Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gaari maraayay inta u dhaxeysa degaanada Bodhei iyo Ijara, oo ku yaalla xuduudka gobollada Lamu iyo Gaarisa.
Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in raggaasi hubeysan ay rasaas huwiyeen gaarigaasi, waxaana ka dhashay Khasaare dhaawac ah.
Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhaawacantay rasaastaasi.
Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay gaareen goobta ay wax ka dhaceen ,islamarkaana ay baxsadeen raggii ka dambeeyay Falkaasi.
Dadka ay waxyeelado soo gaartay ayaa u badnaa haween sida ay xaqiijiyeen Ciidamada Booliska dalka.
Madaxa howlgallada Boni Joseph Kanyiri ayaa sheegay in laga hortagay Weerarkaasi oo Al-Shabaab ay doonaayeen in ay ku laayaan dad badan.
Waxaa uu tilmaamay in dadkaasi dhaawacyadda ah la geeyay isbitaal,islamarkaana xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay.



