Muqdisho-RisaalaFM- Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka qeyb geli doona shir looga hadlayo hanaanka geeddi socodka doorashooyinka iyo sidoo kale waqtiga ay dhaceyso Doorashada, oo malinta beri ah la filayo in uu ka furmo magaalada Muqdisho.
Madaxda Maamul Goboleedyada Muqdisho soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo wakiil ka ah Madaxweynaha Galmudug oo caafimaad ugu maqan dalka dibadiisa.
Kulanka looga hadlayo waqtiga ay dhaceyso Doorashada ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka.
Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa horey waxa ay ugu heshiiyeen in ay qabsoonto Doorashada sanadkan xilligeeda, dowladdana wax muddo kordhin ah aan loo sameyn doonin.


