Maamulka Gobolka Mudug oo laamaha Amniga faray ka hortagga Maandooriyaha

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaariyeen Ciidamo ka hortagga ka Ganacsiga & isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo waxaa uu sheegay in aysan marnaba aqbaleyn in guud ahaan Gobolka Mudug la soo geliyo maandooriyaha Khamriga iyo waxkasta oo maandooriye ah.

Waxaa uu ku amray laamaha Amniga Gobolka Mudug inay ka hortagaan dadka ka Ganacsanaya iyo kuwa Goobaha qaar ku isticmaalaya khamriga & wixii lamid ah, isla markaana ay tallaabo ka qaadaan.

Hadalkan ayaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur waxaa uu ka sheegay Goob Maxkamadda darajada 1aad ee Gobolka Mudug ku bur burineysay 20 Kartoon oo khamri ah, kuwaas oo Ciidamada Amnigu kasoo  saareen guri kamida guryaha ku yaala Magaalada Gaalkacyo.