Kooxo hubeysan ayaa caawa Muqdisho ku dilay Nabadoon ka mid ah kuwa sida looga yaqaano caasimadda.
Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Cali Aybakar.
Waxaa goobta iskaga baxsaday kooxihii dilay nabadoonka, waxaana halkaas gaaray ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale galabta labo nin oo ganacsato ah ayaa galabta lagu dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Baar Ubax.



