Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi lagu weeraray bambo gacmeed geysatay khasaare kala duwan.
Bambo gacmeedka ayaa lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac ah.
Goobta Qaraxa lagu tuuray ayaa sidoo kale waxaa ku sugnaa askar ka tirsan Ciidanka booliska Magaalada Beledweyne.
Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhaawacantay Qaraxaasi, kuwaasoo loola cararay isbitaalka Magaalada Beledweyne.