Kenya oo qabatay nin Shabaab u siday Waxyaabaha Qaraxyada laga sameeyo

Kenya-RisaalaFM- Boliiska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin sida ay sheegeen Al-Shabaab ka tirsan oo siday Kiimikooyin laga sameeyo Qaraxyada.

Ninkaan ayeey sheegeen Booliska Kenya in lagu qabtay Jazeerada Lamu ee dalkaasi, xilli ciidamada ammaanka ay ku guda jireen howlgallo ammaanka ay ku xaqiijinayeen.

Taliyaha Ciidamada Booliska Francis Wanjohi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tuhmane Maxamed Aadan la qabtay xilli uu doonayay in Al Shabaab uu ku taageero kiimikooyin laga sameeyo waxyaabaha Qarxa.

Taliye Francis ayaa waxuu carabka ku dhuftay in Ciidamada Booliska ay sidoo kale gacanta ku dhigeen Dooni la sheegay in eedeysane Maxamed Aadan uu qorsheenayay in uu ku yimaado xeebaha dalka Somaliya.

Tuhmane Maxamed Aadan ayaa la aaminsan yahay in uu tababaro kala duwan ku soo qaatay Xerooyin tababar oo gacanta ay ku hayaan Al-Shabaab.