Cayaaryahan Joao Mario ayaa Inter Milan ka maqnaa kulankii Milan Derby oo ay 3-2 guusha kaga qaateen dariskooda AC Milan.
Joao Mario ayaa ku maqnaa kulankii Milan Derby xanuun dhanka quumanka ah kaasi oo xumad daran ku abuuray sidoo kalena uu tababar la sameyn waayay.
Balse xidigaan Portugal u dhashay ee khadka dhexe ka cayaaro ayaa haatan soo kabtay sidoo kalena tababarka kooxda Inter dib ugu soo laabtay.
Joao Mario ayaa hada isku diyaarinayo cayaarta adag sabtiga nagu soo fool leh Inter Milan la cayaari doonto naadiga Napoli oo hogaanka Serie A-da labo dhibcood kaga heyso.
Joao Mario kooxdiisa Inter wuxuu caawin karaa sabtiga inay Napoli ka badiyaan taasi oo ay ku xaqiijin karaan inay hogaanka Serie A-da Talyaaniga markii ugu horeesay xili cayaareedkan si toos ah kula wareegaan.



