Waa sidee xaalada dhaawacyadii loo qaaday Turkiga ?

Turkey-RisaalaFM- Bukaanadii laga qaaday Muqdisho lana geeyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxaa la dhigay Isbitaalo dhowr ah oo ku yaalla dalkaasi, waxaana la tacaaleysa dhaqaatiirta.

Lix Bukaan oo ka mid ah dadkaasi ayaa waxaa la sheegay in xaalad adag ay ku sugan yihiin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay ku sheegeen xaaladooda mid qatar ah, balse intii karaankooda ah ay la tacaali doonaan.

Inta badan Bukaanada la geeyay dalka Turkiga ayaa waxa ay yihiin kuwo ka soo kabanaya dhaawicii soo gaaray, waxaana u badan dhaawacyo lafaha ka burburay, iyo kuwo Qaraxa uu gubay.

Daahir Cali Maxamed Geelle, Qaraxa xanuun weyn ayuu ku reebay, kadib markii ay ka dhinteen Saddex la dhalaty iyo xaaskiisa, isaga iyo mid kale oo walaalo ay yihiina uu dhaawac soo gaaray.

“Saddex ila dhalatay iyo xaaskeyga ayaa iga geeryooday, Carwada ayaan ku jirnay, oo xisaab xir aan ku wadnay, inta aan casirka aadin ayay Musiibada dhacday, dhismaha ayaa nagu soo dumay.” Ayuu yiri Daahir.

Nabadoon Aweys Macalin Cali, Qaraxa markii uu dhacayay wuxuu ku sugnaa Hotel Safaari, haatan xaaladiisa waxa ay tahay mid wanaagsan, wuxuuna sheegay in ay dhinteen dad badan oo isaga la fadhiyay.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ibraahim oo ku sugan Turkiga ayaa sheegay in Turkiga uu baal dahab ha ka galay Taariikhda Soomaaliya.

“Anniga halkan waxaan u imid inaan xaqiijiyo in adeega caafimaadka ahaa sida la rabay loo qabtay, mar walba oo aan tagana waxaa la ii sheegay in intii la rabay iyo in ka badanba la qabtay.” Ayuu yiri Agaasime C/raxmaan.

Salman Jamal Said