Muqdisho-RisaalaFM- Iskuulada Al-nahda iyo Al-safa ayaa galabta ku tartamay Tartanka iskuulada Idaacadda Risaala oo maraya qeybihii ugu xiisaha badnaa.
Al-nahda iyo Al-safa oo min Shan Arday la yimid xarunta dhexe ee Idaacadda ayaa soo bandhigay tartan xiiso badan, waxaana tartankan uu ka duwanaa kuwii hore.
Tartankan oo ay maalgelineyso shirkadda UBC COCA-COLA ayaa sanadkan ka duwan kuwii hore, waxaana tartanka la soo gaba gabeynayaa dhammaadka bisha Ramadaan, iyada oo abaalmarinta isla waqtigasi la bixin doono.
Iskuulka Al-nahda oo galabta keensaday 9 dhibcood ayaa ka mid noqday iskuulada u gudbay wareega afar dhamaadka tartanka, waxaana uu galabta ka badiyay Al-safa oo la yimid 4 dhibcood, Guddoomiyaha guddiga tartanka Xasan Cabdi Axmed ayaa ku dhawaaqay natiijada tartankii galabta.
Maalinta berri ah waala nasan doonaa, waxaana Sabtida tartami doona iskuulada Boqor-fahad iyo Saaxil, iyada oo iskuuladan ay ku guda jiraan diyaar garowgoodii ugu dambeeyay.



