Muqdisho-RisaalaFM- Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Mukhtaar Xuseen Afrax oo warbaahinta kula hadlayay Xaunta Tabarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye ayaa sheegay in sugida ammaanka magaalada Muqdisho wax badan laga badalayo.
General Muqtaar Afrax ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku la imaanayaan qorshayaal cusub si kor loogu qaado ammaanka Magaaladda, Shacabka ayuu ka codsaday inay gacan siiyaan Booliska taasina wax kasta ku hagaagi karaan,.
Wuxuu sheegay in looga baahan yahay Ciidanka Booliska inay ka shaqeeyaan isdhexgalka Ciidanka iyo Shacabka oo door muhiim ah ka qaadan karta hagaagsanaanta amniga magaalada.
Dhanka kale, Ku simaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Muqtaar Afrax ayaa sheegay inay sameyn doonaan saanaadiiq ay dadka ku ridayaan figradahooda iyo qaabka hormarinta Ammaanka .
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa wada howlgalo lagu sugayo Amaanka Muqdisho iyo sidoo kale qeybo badan oo ka midda Goboladda Dalka



