Basra-RisaalaFM- Ciidamada Millitariga Soomaaliya ayaa sii kordhiyay howlgalada ka dhanka ah ee ururka Al-Shabaab, gaar ahaan degaanada ku yaalla xadka ay wadaagaan Shabeelooyinka oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Iska hor imaad kooban oo degaanka Basra shalay gelinkii dambe ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya iyo Shabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/laahi Cali Caanood oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa xaqiijiyay in Saddex tirsan Shabaab lagu dilay howlgalkaasi halka Afar kalena looga dhaawacay.
General Caanood ayaa sheegay in howlgaladani ay qeyb ka yihiin gulufka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab oo la doonayo in guud ahaan looga saaro dalka.



