Hay’adaha ay IPS oo ah hay’ad caalamiya oo ka hadasha arimaha warbaahinta ayaa sheegay in dalalka Soomaaliya iyo Afganistaan ay yihiin meelaha ugu Qatarta badan oo uu wariye ka shaqeeyo.
Waxay sheegtay Hay’adaas caalamiga ee in wariyaasha ku sugan Koofurta Soomaaliya ay wajahaayaan qataro amni oo kasoo wajaha Dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya.
Warbixinta ay saartay hay’adaasi ayey ku sheegtay markii la eego dilakii loo geystay wariyaasha ku sugan Afganistan iyo Soomaaliya ay adag in la helo wadan la mid ah dalkaas oo wariye lagu dilay.
Hay’adaha ayaa sheegtay in wariyaasha ku sugan Soomaaliya aysan aheyn kuwa si sax wax u gudbinkara,madam ay ka cabsanaayaan in xariga iyo dil loo geystay.
Hay’adaha ayaa sheegtay in ay wareysi la yeelatay wariyaal badan oo ku sugan Soomaaliya iyo kuwa ka cararay dhibaatooyinka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Debadiisa.
Qatarta ugu badan ayey sheegtay in ay wajahaan wariyaasha ku sugan gudaha Soomaaliya.



