Huddersfield ayaa bartilmaameedsaneysa wareega 8da Koobka FA Cup markii ugu horeysay tan iyo 1972-dii ,iyagoo doonaya inay garaacaan caawa kooxda Manchester United markii labaad xilli ciyaareedkan.
Terriers ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeysay, iyagoo kulankii ugu dambeeyay ay garaaceen kooxda Bournemouth Axadii.
Steve Mounie ayaa rajeynaya inuu sii wado qaab ciyareedkiisa sare kadib markii uu seddex gool dhaliyay afartiisii kulan ee ugu dambeysay.
Tababare David Wagner ayaa dareensan in Huddersfield ay ku adagtahay in ay soo celiso natiijadii 2-1 aheyd oo ay kaga badiyeen United bishii October.
OGEYSIISKA CIYAARTA
GAROONKA: The John Smith’s Stadium
SAACADA: 8: 30 PM
MAXAA CUSUB?
Labada ciyaaryahan ee Huddersfield Chris Lowe iyo Michael Hefele ayaa seegi doona kulankaan sabab la xiriirta dhaawac muruqa ah, halka saxiixa cusub ee bisha Janaayo Alex Pritchard shaki laga qabo xaaladiisa.
Aaron Mooy ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo seddex isbuuc ah sababo la xiriira dhaawac soo gaaray.
Laakiin weeraryahan Laurent Depoitre, oo shabaqa soo taabtay kulankii ay 2-1 kooxdiisa kaga badiyeen kooxda Jose Mourinho bishii October ayaa taam u noqon doona kulanka caawa ka dib markii uu kasoo laabtay dhaawac canqowga ah.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Danny Williams ayaa dhaawac ku maqan, taasoo la micno ah in caqabado badan uu wajahayo tababaraha kooxda Huddersfield.
Eric Bailly ayaa diyaar u ah inuu soo laabto ka dib seddex bilood oo uu dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa, laakiin Ander Herrera iyo Marcus Rashford ayaa labadoodaba seegi doona ciyaarta caawa.
Paul Pogba ayaa kusoo bilaaban doona, halka Zlatan Ibrahimovic uu kusoo laabtay tababarka kooxda koowaad.
Marouane Fellaini iyo Daley Blind ayaa dib u soo kabanaya, laakiin diyaar uma ahan inuu kusoo bilowdo.
XAQIIQADA KULANKA
Huddersfield ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 13kii kulan ee ugu dambeyay tartamada oo dhan ay wajaheen Man United, guushaas ayaa ku timid John Smith Stadium xilli ciyaareedkan.
Man Utd ayaa badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeeyay FA Cup ay ku wajaheen Huddersfield, markii ugu danbeysay waxay 5-0 ku badiyeen wareega seddexaad bishii Janaayo 1963dii, halyeeyga United Denis Law ayaa dhaliyay seddexleey kulankaas.
Terriers ma aysan gaarin wareega 8da FA Cup tan iyo 1971-72, waxaana laga badiyay shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay soo gaareen marxaladaan oo kale.
SAFAFKA MACQUULKA AH
Huddersfield: Lossl; Jorgensen, Malone, Schindler, Hadergjonaj; Billing, Hogg, Pritchard, Van La Parra, Ince; Depoitre.
Man Utd: De Gea; Valencia, Smalling, Rojo, Young; Herrera, Matic, Lingard, Sanchez, Mata; Lukaku.



