Juventus ayaa dooneysa iney si weyn uga shaqeyso saxiixa xidiga reer Brazil Fabinho sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka Spain, gaar ahaan waregsyka Mundo Deportivo.
24-jirkaan heerka caalami ayaa si weyn loola xiriirinayaa inuu isaga guurayo kooxda As Monaco, balse Juventus ayaa rajeyneysa iney kooxaha qaaradda yurub oo ay ka mid yahiin Manchester United & Man City kaga hormarto saxiixiisa.
“Waqtigeyga Monaco wuxuu ahaa mid fiican, balse waxaan dareemaa inuu dhamaaday” ayuu yiri xidiga reer Brazil oo la hadlayay Lancenet.
“Waxaan imid anigoo la i aqoon, magac ayaan ku sameeyay, wax fiican, balse waxaan u baahanahay inaan tartan cusub sameeyo”
Xidigaan wuxuu ka ciyaari karaa labadaba daafaca midig iyo khakda dhexe burburiyaha, balse haatan Mundo Deportivo waxey aaminsan tahay in kooxda difaacaneysa horyaalka Serie A-da ay rajeyneyso iney Jorge Mendes ka dhaadhiciso inuu ka caawiyo arinta xidigaan.



