Hub aruursi iyo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ka socda Beledweyne

Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa ka socda hub aruursi iyo dhaq-dhaqaaq ciidan, iyadoo xaaladda magaalada ay noqotay mid sii kacsan.

Dhaq-dhaqaaqa ayaa la sheegayaa inay wadaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, kuwaas oo kasoo horjeeda dhismaha maamulka Hirshabeelle iyo in doorasho laga qabto deegaanada Gobolka Hiiraan.

Wararka laga helayo Beledweyne ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo beeleed hubeysan ay ku qul-qulayaan gudaha magaalada, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ujeeddada iyo halka ay ka imanayaan ciidamadaasi.

Xaaladdan ayaa kusoo aadeysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka dhismaha Hirshabeelle iyo doorashooyinka la qorsheynayo in laga qabto deegaanada maamulkaasi.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda hannaanka doorashada ayaa ku adkeysanaya in aan doorasho laga qaban karin Gobolka Hiiraan, haddii aan marka hore laga gaarin heshiis siyaasadeed iyo mid bulsho.

Waxaa si weyn loo hadal hayaa suuragalnimada in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho mid amni, maadaama ciidamo hubeysan ay gudaha magaalada Beledweyne kusoo qul-qulayaan.