Saudi-RisaalaFM- Waxaa si rasmi ah u soo gaba gaboobay howlaha gudashada acmaasha xajka sanadkaan 2017, waxaana ka qeyb galay Todobo Kun oo xaaji, kuwaasi oo fuliyay dhagaxtuurka sheydaanka maalintoodii ugu dambeysay.
Xujeyda ayaa waxaa lagu soo daad gureeyay Basas waa weyn, waxaana dib loogu celiyay goobihii ay ka deganaayeen magaalada barakeysan ee Maka Al-mukarama.
Qaar ka tirsan Xujeyda oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin gudashada acmaasha xajka sanadkan.
Waxay sheegeen imaanshaha xajka in ay ku faraxsan yihiin, iyaga oo tilmaamay in dadka iyo dalka ay Alle uga baryeen in hormaro ay ku talaabsadaan.
In ka badan 47 xujey ah ayaa sanadkii hore waxa ay ku dhinteen xajka, kuwaasi oo gudanayay waajibaadka xajka, sida ay sheegtay Dowladda Sacuudiga.
C/qaadir Qeyska, Radio Risaala, Maka Al-mukarama.




