Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay saakay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka bilaabeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegeen in aysan howlgalkaan joojin doonin tan iyo inta Al-Shabaab ka saarayaan deegaanada ay ka joogaan gobolka Hiiraan.
Howgalka ayaa ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku sheegeen in uu yahay mid balaaran oo socon doona maalmo badan .
Wariyeyaasha ku sugan gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka ruqaansadeen magaalada Beledweyne ,islamarkaana ay u jahaysteen deegaano ay joogaan Al-Shabaab.


