Daawo Sawirada 8 jir Soomaali ah oo lagu dilay dalka Sweden

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday qoys Soomaaliyeed oo kunoolaa magaalada Gothenberg ee dalka Sweden.

Ka dib muran soo gala dhex galay dadka kunool xaafada ay dagan yihiin  qoyska Soomaaliyeed ayaa  la sheegaya in ay sababtay in bombo gacmeed lagu tuuray qoyska Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska dalka Sweden ayaa xaqiijiyay 8 Sano jir u dhashay dalka Soomaaliya in uu ku dhintay weerarka lagu qaaday  guriga qoyska Soomaaliyeed ee ku yaalla magaalada Gothenberg ee dalka Sweden.

Ciidanka Booliska Waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano ay kusoo qabanayaan cida ka dambeysay weerarka lagu qaaday qoyska Soomaaliyeed ee kunoolaa dalka Sweden.

Qaar ka mid ah Ehelada Qoyska Soomaaliyeed ee weerarka lagu qaaday ayaa warbaahinta u sheegeen in guriga lagu soo tuuray Bombo gacmeed aad u xoogan ka dibna ay haleeshay mid ah caruurta oo da’diisa lagu sheegay 8 sano jir sidaasna uu ku dhintay .

Wiilkan geeriyooday ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Warsame,waxayna isaga iyo hooyadii booqasho ku joogeen magaalada Gothenburg, iyagoo ka yimid dalka Ingiriiska

Falka marka uu dhacay waxaa goobta soo gaaray ciidanka Booliska dalka Sweden waxaana ay  bilaabeen howlgallo ay ku baadigoobayaan kooxihii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday qoyska Soomaaliyeed.

Arintaan ayaa la sheegaya in ay salka ku hayso muran horay uga dhaxeeyay qoyska Soomaaliyeed iyo sidoo kale dadka kale oo Swedish ah.

YUUSUF-ABDIWAXIID-WARSAME

yusuf-warsame1-1 yusuf-warsame yusuf-warsame3g yusuf-warsame2

yusuf-warsame1-1