Tottenham Hotspur ayaa galabta kula ciyaareysa kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal garoonka Wembley Stadium oo ay si ku meel gaar ah ugu ciyaarto kooxda Spurs.
Labada kooxood ayaa markii ugu dambeysay ku kulmay Wembley Stadium kulan katirsanaa quarter-final-ka FA Cup muddo qarni ka hor.
OGEYSIISKA CIYAARTA
GAROONKA: Wembley Stadium
SAACADA: 3:30 PM
MAXAA CUSUB?
Ka dib qaab ciyaareedka cajiibka ahaa ee kulankii Everton isbuucii hore, Wenger ayaan u baahneyn inuu isbedel ku sameeyo kooxdiisa , inkastoo Petr Cech oo qaba dhaawac kubka ah aan la hubin xaaladiisa.
Tani waxay la micno tahay in Alexandre Lacazette uu kursiga keydka kusoo bilaaban doono, halka Aubameyang oo dhaliyay goolkiisii ugu horeyay kubada cagta England lagu soo bilaabi doono.
Mkhitaryan, Mesut Ozil iyo Alex Iwobi ayaa la ciyaari doona weeraryahanka Gabon Aubameyang.
Ramsey oo dhaliyay saddexley iyo Granit Xhaka oo si wanaagsan u ciyaaray kulankii Toffees ayaa kusoo bilaaban kara kulanka galabta ee Wembley.
Marka laga hadlayo kooxda martida loo yahay, Pochettino waxa uu awoodaa inuu dib ugu yeero Toby Alderweireld iyo Danny Rose kuwaasoo dhaawac kuseegay ciyaartii ugu dambeysay.
Christian Eriksen, Dele Alli iyo Harry Kane ayaa dhamaantood kursiga keydka fadhiyay kulankii wareega afaraad ee FA Cup kooxdooda ka badisay Newport, waxaana la rajeynayaa in ay dib ugu soo laabtaan shaxda koowaad ciyaarta galabta.
Kane ayaa 21 gool dhaliyay 32 gool oo ay ku wajahay kooxaha ka dhisan London, celcelis ahaan 0.66 gool ayuu kulankiiba dhaliyay.
Kaliya Thierry Henry oo 43 gool dhaliyay 59 kulan oo uu wajahay kooxaha ka dhisan London ayaa ka sareeya weeraryahanka England.
XAQIIQADA KULANKA
Arsenal ayaa 2-0 kusoo badisay bishii November, laakiin waxa ay badiyeen kaliya labo kulan oo kamid ah seddex xilli ciyaareedkii ee lasoo dhaafay labada koox ku kulmeeen Premier League.
Labada kooxood ayaa shabaqa soo taabtay mid kasta oo kamid ah 34tii kulan ee ugu dambeysay, waana wax ka badan kooxaha kale ee Premier League
Arsenal ayaa 52 jeer badisay marka loo eego kooxaha kale ee Dariskooda ah tan iyo 1992dii.
SAFAFKA MACQUULKA AH
Tottenham Hotspur: Lloris; Trippier, Sanchez, Vertonghen, Davies; Dier, Dembele; Son, Alli, Eriksen; Kane
Arsenal: Ospina; Bellerin, Koscielny, Mustafi, Monreal; Ramsey, Xhaka; Iwobi, Ozil, Mkhitaryan; Aubameyang