Wasaaradda Difaaca UK oo war ka soo saartay Xaalada Ukraine

Wasaaradda difaaca ee UK ayaa sheegtay in ay u badan tahay in Ruushku uu sii wadi doono adeegsiga hubka aadka u culus goobaha magaalooyinka.

Warku wuxuu intaa ku daray in ciidamada Ruushka ay sii wadaan go’doominta tiro ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Ukraine oo ay ku jiraan Kharkiv, Chernihiv iyo Mariupol.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Ukraine ayaa Sabtidii ku sheegay farriin uu soo dhigay app-ka fariimaha ee Telegram-ka in dagaalka Ukraine ay ku dhinteen 136 carruur ah ilaa hadda.

Waxay intaas ku dartay in tirada dhaawaca ah ee carruurta ah ay gaareyso 199 carruur ah.