Gudoomiyaha baarlamaanka oo Baydhabo gaaray

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka naga soo gaaraya Baydhabo ayaa sheegaya in wafdiga gudoomiyaha baarlamaanka ay hor u dhac u yihiin madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu wado in ay gaaraan magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu la kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in uu  ka furmo shirka Madasha wadatashiga qaran.