War kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka qeybtooda qaarada Afrika ayaa lagu shaaciyey in ururka Shabaab ay ku dhow yihiin in ay burburaan.
Taliska Mareykanka ayaa sheegay in ay wiiqantahay awooda Al-Shabaab ka dib markii laga dilay saraakiil oo waa weyn oo hogaanka u heysay ururkaas.
Mareykanka ayaa sheegay in duqeymaha joogta ah ay sababeen in la khaarijiyo hogaamiyaal sar sare oo uu ka mid ahaa Sheekh Maxamed Maxamuud Cali dulyadeyn.
Taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa sheegay in guulo waa weyn laga gaaray duqeymaha lagu beegsanaya dagaalyahanada ka tirsan Shabaab.
Weerarada Shabaab la kulmaan ayaa la sheegaya in ay sababi karaan in uu bur bur ku yimaado, maadaama ay waayeen Saraakiil waaweyn oo dhanka Millateriga u qaabilsanaa.
Taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa lagu sheegay in ay sii labo jibaari doonaan duqeymaha ay ku beegsanayaan hogaamiyaasha ka tirsan Xakarada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.


