Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulan Ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay go’aamiyeen in Hal Milyan oo Dollar oo miisaaniyadda Dowladda ka mid ah loo wareejiyo dadka dhaawacyada qaba ee jiifa Isbitaalada Muqdisho si gurmad caafimaad iyo taageero loogu fidiyo.
Kulankan oo socday mudo saacado ah socday ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha Shacabka iyo Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha Guddiga Gaashaandhiga ee Golaha Shacabka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in Guddiga uu ka shiray sida laga yeelayo qaraxyada dadka badan ay ku dhintaan ee ka dhaca Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda ugu baaqay in ay meel ugu soo wada jeestaan sugidda ammaanka guud ee dalka iyo ka hortagga Qaraxyada ka dhaca Muqisho.
Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ayaa waxaa ku dhintay 276 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex boqol oo qof, sida ay sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.



