Diyaarad ka socota Jabuuti oo ka soo degtay Garoonka Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee maanta waxaa ka soo degtay Diyaarad gargaar caafimaad sida oo ka timid dalka Jabuuti, taasi oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dadka faraha badnaa ku dhamaadeen ee ka dhacay Isgoyska Zoobe 14-kii Pctober.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in Diyaarad Daawo iyo agab caafimaad sida oo uu la socdo Wasiirka Caafimaadka Jabuuti islamarkaana ay la socdaan 25 dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal Caafimaad ay soo gaareen magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa xusay in reer Jabuuti ay si buuxdo u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed isagoo xusay in ay aad uga xun yihiin Mashaqadii ka dhacday Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Dowladda Jabuuti ayaa ah mid marwalbo garab taagan Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya iyagoo abaalo badan horay ugu soo galay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee ka soo jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya jeedisay oo ahaa in gurmad lala soo gaaro dadka dhaawacyada ka soo gaareen qaraxii ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Zoobe, kadib markii saakay Muqdisho ay soo gaartay Diyaarad gargaar.