Goobaha waxbarashada ee Gaalkacyo oo xiran

Gaalkacyo-RisaalaFM- Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ka socda tan iyo 7-dii Octobar waxaa ku barakacay sida Qaramada Midoobay ay sheegtay dad ka badan 75 kun qof, oo ay ku jiraan dadkii ku noolaa xeryaha dadkii hore ugu barakacay dagaaladii sokeeye ee dalka.

Collaada waxa ay sababtay in waxbarashadii Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay istaagtay oo Ardaydii lala qaxay.

Goobihii waxbarashada ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa si aad ah u saameeyay Dagaalka u dhaxeeya Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Sawrio laga soo qaaday Gaabaha waxbarasho ee Magaalada Gaalkacyo ayaa muujinaya bur bur xoogan, oo soo gaaray Dugsiyada Qur’aanka, Iskuulada iyo goobo kale oo wax lagu barto.

Ardayda ka barakacday Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ayaa Maamullada Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in ay joojiyaan Dagaalka, si ay ugu soo laabtaan goobohooda waxbarasho.