Golaha ammaanka oo dalab u diray maamulada Somaliland iyo Puntland

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiisadda ka taagan Gobolka Sool, ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.

Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa bishan Ramadan ka dhacay dagaalo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, sababo ku aadan iyagoo ku hardamaya gacan ku haynta deegaankaasi. Dagaaladan waxay sababeen khasaarooyin dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba isugu jiray, iyadoo dadkii deegaankana lagu khasbay in ay guryahoodu ka barakacaan.

Qoraal Khamiistii uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa labada dhinac looga dalbaday inay dagaalka joojiyaan.

Labada dhinac waxaa la faray inay meel mariyaan, isla-markaana ay ka dhabeeyaan ballanqaadkii ay u sameeyeen beesha caalamka, ee ahaa inay dagaalka joojinayaan.

Qoraalkan ayaa Somaliland iyo Puntlandba loogu soo jeediyay in ay ciidamada kala qaadaan, ayna ka gudbaan hadalada colaadda sii hurin kara, ee ay isaga jeedinayaan warbaahinta, isla-markaana ay ogolaadaan in gargaarka la gaarsiiyo dadka halkaasi degan.

Qoraalka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo taageerada hannaanka federaalka ee dalka, lana dardargeliyo horumarada illaa iyo hadda la sameeyay.

Hadalka ka soo yeeray Golaha Ammaanka ayaa ku soo beegmaya, xilli Puntland iyo Somalilandba ay Gobolka Sool ka wadaan abaabul uu midba midka kale ugu biro tumanayo dagaal sokeeye.