Muqdisho-RisaalaFM- General Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ahaa Taliyihii Ciidanka ilaalada wadooyinka ee Taraafiko ayaa xilka laga qaaday.
Warkan markii aan maqalnay ayaan la xiriirnay Cali Gaab si aan wax uga weydiino, isaga ayaana warbaahinta Risaala u xaqiijiyay in xil ka qaadis lagu sameeyay.
Isaga oo Risaala si hoose ula hadlayay ayuu sheegay in xilka laga qaaday, faah faahin dheeraad ahna uusan ka bixi karin arrintan hada.
Wararka ayaa sheegaya in Cali Gaab Telefoon loogu sheegay in xilka laga qaaday xilli uu ku guda jiray howlo shaqo iyo kormeer uu ku sameynayay qaar ka mid waddooyinka Muqdisho.
Taliyihii Ciidanka ilaalada wadooyinka ee Taraafiko General Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa booskiisa waxaa lagu bedelay G/sare Cali Maxamed Cali oo horey xilkan u soo qabtay.
Gen. (Cali Gaab) ayaa horay u soo noqday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, hase ahaatee uu iska casilay, bishii Afaraad ee sanadkan ayaa waxaa dib loogu magacaabay Taliyaha Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ee Taraafiko, isaga oo xilkan hayay mudo Saddex bilood ah.



