
Weeraryahanka kooxda Verona Antonio Cassano ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inuu isaga fariisto kubadda cagta.
Waa markii labaad oo gooldhaliyaha u dhashay dalka Italy Antonio Cassano uu ku dhawaaqayo inuu ka fariistay kubadda cagta hal Isbuuc gudihiis.
Hillinka Sky Sport Italia ayaa caddeeyey inuu Cassano go’aansaday inuu isaga fariisto kubadda cagta maadaama xaalad daran oo dhanka qoyska ah ay heysato, xiddigaan ayaana aad uga carooday markii ay qoyskiisu u sheegeen in aysan lasoo degi doonin Waqooyiga Talyaaniga.
Hal Isbuuc ka hor ayey aheyd markii Cassano uu caddeeyey inuu isaga fariistay kubadda cagta balse adduunka ayuu ka yaabsaday markii uu isla maalinkaas sheegay inuu kusoo laabtay ciyaarista kubadda cagta.
Cassano, oo 34 sanno jir ah, ayaa wuxuu Verona ku biiray 10kii bishaan Jyly, waana maalin ka hor inta uusan xaqiijin inuu kobaha isku dhufsaday, ka dibna uusan soo laaban. Wixii intaas ka dambeeyey maanta ayaa lagu soo waramayaa inuu markale ciyaaraha ka fariistay.


