Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xalay munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey Magaaalda Boosaaso isaga wufuud ka kala socotey dawladda Talyaaniga, dawladda Federaalka Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo hay’adaha mashaariicaha ka wada Puntland ayaa ka hadlay arimo badan.
Madaxweynaha maamulka puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay ammaanka guud ee deegaanada maamulka Puntland .
Gaas ayaa sheegay in ay ka go’antahay la dagaalanka Al-shabaab iyo cidwalba oo isku dayda in ay qalqal galiso ammaanka deegaanada maamulka puntland.
Madaxweynha maamulka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay in cid walba oo Qatar ku ah amnig ay la mid tahay Shabaab puntland ay ula dhaqmi doonto sida Shabaab oo kale
Hadalka madaxweynaha puntland ayaa kusoo beegmaya xili dagaalyahano badan oo ka tirsan Shabaab ay ku sugan yihiin gobolka Bari.


