SHEEKO GAABAN OO XISAAB IYO MASKAX KU FADHIDA
Seddex sano kadib waxba iskama badelin shaqadiisii looma kordhin mushaarkiisii ma jirto abaal marin mana jirto dalacsiin.
Haddaba wuxuu go,aansaday in uu maamulaha shirkadda uu ka shaqeeyo toos ugu tago albaabka ayuu garaacay ….soo gal ayaa lagu yiri, wuu soo galay maamulaha wejigiisa farxad ayaa ka muuqata wuu ilka caddeeyay waxaana loo sheegay in uu fariisto kadib waxaa la weydiiyay maxaa darnaa oo aad dooneysay ?
Wuxuu u sheegtay in uu cabasho yahay doonayana kordhin mushaar laakiin maamulihii ayaa ku yiri ninyahow ma adigaaba weligaa hal maalin shaqeeyay ? Ninkii naxdin iyo u qaadan waa ayaa ku dhacay.
waxaana isaga iyo maamulhii dhex martay sheekadan:
Maamulihii: Imisa maalmood ayaa sanadka ku jirta ?
Ninkii: Waa 365 maalmood mararka qaarkoodna waa 366
Maamulihii: Imisa saacadood ayey ka kooban tahay habeen iyo maalin ?
Ninkii: Waa 24 saacadood.
Maamulihii: Imisa saacadood ayaa shaqeysaa maalintii ?
Ninkii: Sideed saacadood maalintii.
Maamulihii : Marka jajab ahaan maalintii imisa saacad ayaad shaqeysay ?
Ninkii: 8 loo qeybiyay 24 saac ( Sedex meelood meel )
Maamulihii: Waad fiican tahay marka seddex meelood meel imis ayey ka noqoneysaa sanadkii oo ah 366 maalmood ?
Ninkii: waa 122 maalmood ( 1/3*366=122 maalmood )
Maamulihii;Ma timaadaa shaqada maalmaha fasaxa isbuuca ( Khamiis iyo jimce )
Ninkii: maya mudane
Maamulihii: Haddaba imisa maalmood oo fasaxa isbuuca ah ayaa ku jirta sanadkii ?
Ninkii; 52 Khamiis iyo 52 Jimce isku darkood waa 104 maalmood.
Maamulihii: Nin fiican ayaad tahay, haddaba haddii aad ka jarto 104 maalmood 122 maalmood oo aad shaqeysay imisa maalmood ayaa kuu soo haraya ?
Ninkii: 18 maalin
Maamulihii: Sanad kasta waxaan ku siiyaa laba todobaad oo fasax jirro ( xanuun ah ) ka jar 18 maalin ee aad heysatay imisaa kuu soo hartay ?
Ninkii: 4 maalin
maamulihii: Ma shaqeysaa maalinta fasaxa qaranka ?
Ninkii: Maya mudane
Maamulihii: Ma shaqeysaa maalintii xurnimada ?
Ninkii: maya ma shaqeeyo
Maamulihii: Ka jar imisa maalin ayaa kuu soo hartay ?
Ninkii: 2 maalin mudane
Maamulihii: Ma shaqeysaa maalmaha ciidda ?
Ninkii; maya ma shaqeeyo
Maamulihii: Imisa maalin ayaa kuu soo haray haddii labada maalin ee ciida ka jarto ?
Ninkii : Waxba mudane.
Maamuluhii : Haddaba maxey tahay cabashadaada ?
Ninkii: waan fahmay mudane maba ogeyn in aad xadi jiray shirkadda.
Waxaa Tarjumay Siciid Xagaa Afrax.
[email protected]
=


