Warbixin ay soo saartay hay’ada Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in wariyaasha Soomaaliyeed ay kunool yihiin cabsi,caga jugleyn , hanjabaad iyo beegsi joogta ah.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in dhibaatooyinka wariyaasha iyo warbaahinta Soomaaliyeed ay kala kulmayaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda iyo dowladda Soomaaliya ay sii kordhayso islmarkaana aysan jirin tilaabooyin cadcad oo wax looga qabtay hanjabaada iyo dilalka wariyaasha Soomaaliyeed.
Human Rights Watch waxay wareysatey 50 wariye ,Tafaftirayaal, iyo agaasimayaasha warbaahinta gaar ahaan koonfurta, bartamaha Soomaaliya iyo Puntland . Tan iyo 2014 , 10 wariye ayaa la dilay 6 kana waa la dhaawacay ,halka daraasiin kale lagu xiray sharci daro.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ku dadaasho sidii wariyaasha Soomaaliyeed ay si sax ugu tabin lahaayeen doorashooyinka la qorsheynaayo in ay sanadkaan ka dhacaan Soomaaliya.
Human Rights Watch ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleeyada ugu baaqday in ay sare u qaadaan amniga iyo xoriyadda warbaahinta Soomaaliyeed.
Hadalka kasoo baxay Human Rights Watch ayaa kusoo beegmaya xili beri loo dabaal dagaayo maalinta xoriyadda Saxaafada.


