DHAGEYSO: Madaxweynaha”waajib ayaa naga saaran badbaadinta dhalinyarada”

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dhibaatada heysata dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatooyinka heysta dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku qasbeyso iney qataraha u bareeraa sida in ay ku biiraan Al-Shabaab iyo Sidoo kale iney tahriibaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay  in Dowlada uu waajib ka saaran yahay badbaadin iyo ka warqabka dhalinyarada Soomaaliyeed isla markaana ay ku dadaalayaan iney shaqo u abuuraan dhalinyatada.

Dhawaan ayay ahayd markii dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaareysay ku dhawaan 200 ay ku dhinteen bada u dhaxeysa Dalalka Masar iyo Talyaaniga