Kulankii ay maanta xildhibaanada Soomaaliya ay ku lahaayeen xarunta golaha shacabka ayaa baaqday kadib markii lagu dhawaaqay in shaqaalaha dowladda Soomaaliya la siiyey labo maalin oo fasax munaasabada maalinta shaqaalaha owgeed oo shalay ku beegneyd.
Kulankii baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu waday in hortago R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake si wax looga weydiiyo qodobadii kasoo baxay kulanki hanaanka doorashada.
Wasaarada shaqada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in shaqaalaha dowlada la fasaxay labo maalmood,tasoo waxay sababtay in maanta uu baaqdo kulankii baarlamaanka Soomaaliya.


