Gaari ay leeyihiin Ciidamada Dowladda oo qof Shacab ah dilay

Mid kamid ah gaadiidka ay leeyihiin Ciidamada Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa Xaafada Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada muqdisho waxaa uu ku jiiray Wiil Dhalinyaro ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in laba kamid ah Gadiidka dagaalka ee Ciidamada Dowladda oo wada socday uu mid kamid ah jiiray wiilka Dhalinayrada ah,kadib ugu geeriyooday mid kamid ah Isbitaallada muqdisho dhaawac soo gaaray.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labadii Gaari ee ahaa Cabdi bilayaasha oo ay leeyihiin Ciidamada dowladda,isla markaana Wiilka Dhalinyarada ah dilay ay socodkoodii iska sii wateen.

Inta badan Gaadiidka Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM ayaa si arxan-darro ah waxaa ay Gawaaridooda u jiirsiiyaan dadka Shacabka,iyaga kadib socod kooda iska-siiwata.