Kooxda Kubada cagta ee Barcelona Ayaa Natiijo ku Lumisay Gurigeeda Kadib Markii Ay Bareejo La Gashay Vallencia.
Qeebta Hore Ciyaarta ayaa Barca Ciqaab xoogan La Gaarsiiyay kadib markii 2-0 lagu hogaamiyay.
Daqiiqada 24-aad waxaa daah furay bandhiga Goolasha K. Gameiro kasoo Barca ka Naxsaday.
Daqiiqadii 32-aad waxaa Barca Culeeska Ku sii Badiyay D. Parejo kasoo Ciyaarta Ka dhigay 2-0.
Barca Ayaa Gool Iska Soo Celisay Rigoore loo Dhigay waxaa Gool U Badalay Messi kasoo Soo Nooleeyay Rajada Kooxda Barca waxaana Lagu kala Nastay 2-1.
Marki dib la isugu soo laabtay Barca Ayaa Dardarta weerarka Badisay si ay goolka Isaga soo Celiyaan.
Daqiiqadii 64-aad waxaa Ciyaarta Bareejo ka Dhigay Messi.
Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo Idlaatay 2-2.



