AUN waxaa xalay magaalada Minneapolis gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka, ku geeriyootay fannaanadii Soomaaliyeed ee caanka aheyd Luul Jeylaani Cali, oo katirsaneyd hoobaladii Qaranka Soomaaliyeed ee Waabari.
Luul Jeylaani , ayaa u geeriyootay xanuun muddooyinkii dambe hayay, waxaana geerida fanaanadan Soomaaliyeed si weyn uga naxay ehelkeeda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed oo si weyn u jeclaa Luul Jeylaani.
Allaha u naxariistee Marxuumad Luul Jeeylaani oo ku geeriyootay dalka Mareykanka waxa ay ka tirsaneyd fanaaniinta masrixiyadda Banaadiriga ayadoo fanka Soomaaliyeedna si aad ah uga dhex muuqatay beri samaadkii ayadoo ka tirsaneyd hobollada Qaranka ee Waaberi.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Fannaanadii Qaranka, Luul Jeylaani Cali.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa geerida fannaanada uga tacsiyeeyey ehelka ay ka baxday, Qaranka iyo bahda fanka Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga baryey marxuumadda in uu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in fannaanadu ay kaalin weyn ka soo qaadatay horumarinta fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyada oo udub dhexaad u ahayd riwaayadaha iyo jilliinka Barnaamijyada ka turjumaya nolosha iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.



