Wasiir Fiqi oo ka digay qorshe lagu wiiqayo kalsoonida Ciidamada qalabsida.

Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi ayaa ku eedeeyay kooxo abaabulan oo ka kooban: Alshabaab iyo kooxo shisheeye kalkaal ah, kuwaas wada qorshe la rabo in lagu wiiqo awoodda iyo kalsoonida ciidanka XDS oo ah awooddii dalka.

Qoraal uu soo saaray ayuu Wasiir fiqi ku yiri:

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed in la soo dhiso waqti iyo dadaal xooggan ayaa lagu bixiyey, welina wax baa u dhiman.

Waxaa socda qorshe abaabulan oo ay ku bahoobeen; cadow, khawaarij iyo kooxo shisheeye kalkaal ah kaas oo la rabo in lagu wiiqo awoodda iyo kalsoonida ciidanka XDS oo ah awooddii dalka, Difaacii umadda, khawaarij – Jabiye iyo rajada ilaalinta sharafta dalka iyo dadka Soomaaliyeed”

Qorshahaas waa mid halis ah oo cadowga dalka loogu adeegayo, kumana guulaysan doonaan oo waa mid kashifan, waa in meel looga soo wada jeestaa oo aan raalli laga noqon!