Dagaal culus uu ka dhacay degaanka Dharjaale ee gobolka Bari, kaddib markii weerar lagu qaaday Saldhiga ciidamada difaaca Puntland ay halkaas ku leeyihiin halkaas .
Weerarka ayaa ku bilowday Gaari is-miidamain ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, gaarigan oo noociisu ahaa Toyota Surf ayaa lagu beegsaday guri ay daganaaayeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire iyo taliyaha ciidamada Puntland Gen. Aadan Caabi Xaashi.
Waxaa Qaraxa ka badbaaday Mas’uuliyiintii la beegsaday, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex maray maleeshiyada Daacish iyo ciidamada Puntland.
Waxaa la xaqiijiyay inuu qaraxu geystay qasaare badan, waxaana inta la ogyahay ku dhintay 9 ruux oo labo ka mid ah yihiin shacab, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad ka badan 30 qof. Qaraxa waxaa ku gubtay gaadiid sahay u siday ciidamada Puntland.
Sida laga soo xigtay saraakiisha goobta ku sugan waxaa kooxdii weerarka soo qaaday ee Daacish laga dilay 8 ka mida ooay ajaaniib ku jirto, iyadoo ay baxsadeen maleeshiyadii kale.
War-saxafaadadeed uu Taliska ciidamada Puntland kasoo saaray dagaalkii saaka ayuu ku sheegay in Ciidamada ku sugan deegaanka Dharjaalle ee Gobolka Bari ay fashiliyeen isku dayga weerar argagixiso oo ay soo maleegeen Kooxda Daacish.
War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri: “Geesiyaasha har iyo habeen u taagan Difaaca iyo in ay Argagixisada ka sifeeyan Puntland, ayaa soo bandhigay Ajaanibta weerarka lagu dilay oo ka badan 8 xubnood, hubkoodii iyo jabka xooggaanna ee saaka la gaarsiiyey Argagixisada Daacish”
Taliska ciidamada Puntland ayaa baahiyay sawirka qof lagu dilay dagaalka oo u muuqday inuu yahay Ajnabi, balse aan faahfaahin laga bixin.
Dhinaca kale waxaa baraha bulshada lagu arkay askar ka tirsan ciidamada Puntland oo wareejineysa muuqaalo Meydadkii lagu dilay dagaalka, waxaana ka dhex muuqday Meydka Nin ay ku sheegeen inuu yahay Suuriyaan.



