Faarax Macalin oo sheegay Jubbaland bil kasta lacag inay ka hesho Kenya

Faarax Macalin oo ah Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda Golaha Baarlamaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay in dowladda Kenya ay taageero Ballaaran ay siiso maamulka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in Ciidamo badan oo Kenyaan ay ku sugan yihiin Gudaha maamulka Jubbaland, islamarkaana sababta ay halkaasi u joogaan aysan u muuqan in ay la dagaallamaan Al-Shabaab.

Faarax Macalin ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay bil kasta dhaqaale siiso Maamulka Jubbaland una dheer tahay Ciidamo ka socda dowladda Federaalka ah, Burundi,Ciidanka Kenya iyo kuwa Itoobiya.

Waxaa uu walaac ka muujiyay in Jubbaland ay ku sugan yihiin ciidamo ku dhow 20 kun oo Askari, kuwaasoo oo ka adkaan la’ wax ka yar 2 kun oo Askari oo Shabaab ah.

Faarax Macalin ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Kenya Bilkaste ay siiso maamulka Jubbaland dhaqaalle dhan 1.5 Milyan oo dollar.

Warbaahinta dowladda Kenya ayaa horay u shaaciysay in dowladda Kenya ay laheyd Fikradii ka dambeysay in la Aas Aaso maamulka Jubbaland,islamarkaana ay dhaqaallo badan ku bixisay in xukunka  uu qabsado Axmed Madoobe.

Ciidamada dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay tacadiyo joogto ah in ay ka waddaan maamulka Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo.