Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Hoobiyeyaal maanta kusoo dhacay gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya.
Ku dhawaad 5 Hoobiye ayaa kusoo dhacay goobo kala duwan oo ka mid ah Madaxtooyadda Soomaaliya.
Sidda Idaacadda Risaala ay u xaqiijiyeen ilo ku sugan Madaxtooyadda Soomaaliya hoobiyeyaasha ayaa kula dhacay Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliya.
Waxaa jira Khasaare kala duwan oo ka dhashay Hoobiyeyaasha waxaana ka mid ah burbur Hantiyadeed.
Madaafiicda ayaa u muuqday mid bartilmaameedkooda ku dhacay Madaxtooyada, marka loo eego goobaha uu khasaaraha gaarsiiyay oo ah xafiisyada hey’adaha dowladda.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya wali faahfaahin kama bixin Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Hoobiyeyaasha kusoo dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya.


