Wararka inaga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Xaradheere ayaa waxa ay sheegayaan in rag ka tirsan ururka Al-shabaab ay deegaano hoostaga degmada Xaradheere ka kaxeysteen Dhalinyaro ku noolaa deegaanadaasi.
Waxaana wararka ay intaa ku darayaan in Dhalinyarada Al-shabaab ay kaxeysteen ay Da’dooda udhaxeyso 12 sano ilaa iyo 17 sano jir.
Dadka deegaanka ah oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in ilaa iyo hada aysan ogeyn halka caruurtooda loo kaxeystay.
Ururka Al-shabaab ayaa waxa ay dagaal kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo dowladaha garabka siiya dowladda Soomaaliya.
Dhowaan ayay aheyd markii ururka Al-shabaab ay caruur ka afduubteen deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, waxaana ay dagaal kagala hortageen maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo caruurta dagaalkaasi lagu qabtay ay hada ku jiraan xabsiyada Puntland iyo Galmudug.


