Xildhibaan Maxamed Axmed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa sheegay iney go’aano ka soo saarayaan dhalinyarada ka Tahriibeysa deegaanada uu ka taliyo maamulka Puntland.
Waxaana uu sheegay in ay wadaan diyaarinta go’aanadaasi la xiriira sidii loo joojin lahaa tahriibka iyo sidii loo badbaadin lahaa dhalinyarada soomaaliyeed.
Dhanka kale xildhibaan Maxamed Axmed ayaa tilmaamay in aysan aqbali doonin in laga tahriibo deegaanada maamulka Puntland islamarkaana dadka tahriibka ka shaqeysta ay ku sii sugnaadaan deegaanada Puntland.
Todobaadkan gudihiisa ayaa dhalinyaro soomaaliyeed oo gaaraya ku dhawaad 200 waxa ay ku dhamaadeen Badda u dhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga, iyadoo dowladda Soomaaliya loogu baaqay in ay shaqo abuur usameeyaan dhalinyarada ka tahriibeysa dalka.
Dhalinyarada dalka ka tahriibeysa ayaa waxaa la sheegay in ay ubadan yihiin arday dhameysay heerka waxbarasho ee Jaamacadda.


