DHAGEYSO: Dowladda oo loogu baaqay in ay cadaalada horkeento kooxihii dilka ka geystay Marka

Xoghayaha guud ee gudiga dib uheshiisiinta Qaranka Soomaaliya Siid Cali Cabdi Muxudiin oo maanta warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa waxa uu ka hadlay 6 caruur ah iyo Ayeeyadood oo dhowaan lagu dilay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaana uu baaq udiray dowladda Soomaaliya iyo hey’addaha amaanka, isagoona ugu baaqay in cadaalada la horkeeno kooxihii ka dambeeyay dilka magaalada Marka loogu geystay 6 Caruur ah iyo Ayeeyadood.

Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay waan waan ka dhex wadaan beelihii dhowaan halkaasi ku dagaalamay.