Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliya Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa ka hadashay dhacdadii xanuunka badneyd ee qabsatay dhalinyaro Soomaali ah oo doonayay in ay tahriib ku galaan dalalka Yurub.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku waxyeeloobeen inta udhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.
Batuulo ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay wax uqabashada dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Jaamacadaha dhameeyay ee dalka ku sagan.
Waxaana dhanka kale ay tilmaamtay in dowladda dhaqaalaha soo gala looga baahan yahay in ay shaqo abuur ugu sameyso dhalinyarada Soomaaliyeed, si looga maarmo dhalinyarada dalalka caalamka utahriibaya.
Dhowaan ayay aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaareysa ku dhowaad 200 ay ku dhinteen bada udhaxeysa Masar iyo Talyaaniga.



