J/Hoose-RisaalaFM- Duqeymahan oo aan la garaneyn diyaaradaha fuliyay ayaa maanta waxa ay ka dhaceen Tuulooyin hoostaga Deegaanka Beerxaani oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in duqeyntu ay aheyd mid xoogan oo laga dareemay deegaanka oo dhan, islamarkaana argagax galisay dadka ku dhaqan Deegaanka Beerxaani.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Diyaaradaha halka ay duqeeyeen ay saldhigyo ku lahaayeen ururka Al-shabaab.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeymahan diyaaradaha ay ka geysteen Tuulooyin hoostaga deegaanka Beerxaani oo u dhow gobolka Jubbada Hoose.
Diyaarado laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo kenya ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay duqeymo ka geysanayeen gobolada Jubbooyinka iyo gobolka Shabeelaha Hoose.
Ururka Al-shabaab ayaanan weli ka hadlin duqeymahan la sheegay in ay ka dhaceen gobolka Jubbada Hoose, sidoo kalena lala beegsaday goobo ay saldhigyo ku leeyihiin.


