Borussia Dortmund ayaa ku dhawaaqday inay la wareegto weeraryahanka reer Norway ee sida weyn loo doonayay Erling Haaland.
19 jirkaan ayaa wacdarro u dhigayay kooxda reer Austria ee Red Bill Salzburg xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 28 gool 22 kulan uu saftay oo ay ku jirto sideed gool uu ka dhaliyay Champions League.
Qaab ciyaareedkiisa fiican ayaa soo jiitay Manchester United iyo kooxo kale laakiin Dortmund ayaa ku hormartay saxiixiisa isagoo soo xerogeliyay da’ yarkaan oo saxiixay qandaraas ilaa 2024 ah.
Haaland oo ah wiilka uu dhaliyay xiddigii hore ee Leeds United iyo Man City Alf Inge Haaland ayaa ka hoos ciyaaray tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer markii ay wada joogeen kooxda reer Norway ee Molde.
Dad badan ayaana u arkayay in talaabadiisa xigta ay noqon doonto inuu ku biiro Man United oo uu mar kale ka hoos ciyaaro Ole Gunnar Solskjaer.
Laakiin waxa uu doortay inuu ka ciyaaro horyaalka Jarmalka isagoo ka garab dheeli doona xiddigaha sida Marco Reus iyo Jadon Sancho.



