Wasaaradda arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Jubbaland ayaa magacawday guddiga qaban qaabada dhismaha golaha deegaanka Degmadda Afmadow.
Warqad kasoo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha ayaa guddiggaan lagu amray in ay si deg deg ah u soo dhisaan golaha degaanka.
Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona sidii Golle deegaan loogu sameeyn lahaa Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana la faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.