9 Qof oo Wali Baadi Goob Loogu Jiro Dalka Lubnaan

Ciidanka Lubnaan ayaa  sheegay in sagaal qof wali la la’yahay, Kadib qaraxii bishii hore ka dhacay dekedda Magaalada Beirut.

Bayaan milatari ayaa lagu sheegay in laba muwaadin oo u dhashay Syria ay ka mid yihiin dadka wali lagu la’yahay qaraxii ka dhacay dekedda.

“Faylkan lama xiri doono illaa iyo inta ay baaritaannada sii socdaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

4tii Agoosto, qarax weyn oo ka dhacay dekedda Beirut ayaa ruxay magaalada, halkaas oo ay ku dhinteen 192 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 6,000 oo qof.

Qaraxa ayaa dhacay iyadoo Lubnaan ay ka jirtay xiisadii dhaqaale Tii ugu xumeyd oo ay ku jirto hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha poundka Dalkaasi, marka loo eego dollarka, Waxaana Tirakoobka Rasmiga ah  Lagu Sheegay in $15 bilyan oo Dollar uu Dalku Qasaaray.