Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in dib loo bilaabay shaqadda Garoonka Aadan cadde

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dib loo furay howlaha garoonka Diyaaradaha Aadan cade kadib shilkii diyaaradeed ee saaka garoonka ay kusoo dhacday.

 

Diyaarad nuuca xamuulka qaada oo ay leedahay shirkadda Sky ward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Aadan Cadde, waxaana ay ku habsatay dhabihii diyaaraddaha.

 

Meelo kala duwan ayaa maanta loo weeciyay duulimaadyaddii dalka.