Al-Shabaab oo soo bandhigay burburka Diyaarad Drone-ah

Ururka Al Shabaab ayaa  gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ay ku soo bandhigeen Diyaarad Nooceeda uu yahay Drone, oo maalin ka hor ku soo dhacday meel u dhow deegaanka Bali doogle ee Shabeellaha Hoose.

Diyaaradan ayeey Al-shabaab sheegeen in ay ku xiran yihiin Kaamirooyinka wax basaasa, xilligii ay soo dhaceysana waxa ay sheegeen Alshabaab in ay ku howlaneyd Diyaarada Basaasida deeganada Al-shabaab ay joogaan.

Bur burka Diyaaradan oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu hayaa Deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo Al-shabaab ay ka fureen Kaamirooyinkii ku xirnaa.

Al-shabaab dhowr mar oo hore ayeey sidan oo kale gacanta ugu dhigeen Bur burka Diyaarad Drone ah oo ku soo dhacday gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta badan Diyaaradaha Drones-ka, ayaa waxaa isticmaala dowladda Mareykanka oo u adeegsata howlgalada gaarka ah.